Help for community services Information and advice for workers assisting tenants in the community.
Fiiri in hawa qaboojiyahaada (air conditioner) uu shaqeynaayo.
Haddii hawa qaboojiyahaaga (air-conditioner) uu u baahan yahay in la hagaajiyo, codso haatan. Haddii kale kuleylka ayaad ku raafaadeysaa todobaadyo ka hor intaan lagu uhagaajinin.
Laga yaaba. Waxyaabaha hagaajinta raba waxaa loo kala saara kuwa deg degga loogu baahan yahay iyo kuwa kale. Laakiin hagaajinta hawa qaboojiyaha (air conditioner) looma diiwaan gelinin arin deg deg ah iney tahay. [Section 3 Residential Tenancies Act (1997)]
Haddii aad cadeyn kartid iney jirto xaalad badbaada ey ku jirto – tusaala khatar ku aadan caafimaadka caruurta, dadka da’ada ah ama kuwa tabarta daran – VCAT waxaa laga yaaba iney go’aansato in hagaajintu ey tahay mid deg dega. Waa inaad bixisaa cadeyn caafimaad oo muujineysa in ciladda ay sababeysa xaaladda badbaada xumida.
Haddii aaladda qaboojiyaha iyo tan kuleylku ey qeybtoo wada yihiin ama ey kala baxsan yihiin, VCAT waxaa laga yaaba iney go’aansato in hagaajintu mid deg dega sababtoo ah hagaajinta kululeeyahau waa deg deg.
Waxaa muhiim ah inaad ogaatid haddii aad bixisid lacagta lagu hagaajiyo qaboojiyaha islamarkaana VCAT ey go’aansato iney deg deg eheyn, mulkiilaha guriga waxaa laga yaabaa inuu dib kuugu soo celin waaya lacagtaada. Sidaa darteed waxaa fiican in uugu horeyn aad aadid VCAT.
Eeg xog dheeri ah oo ku saabsan wax hagaajinta deg dega iyo waxyaabaha aan deg degga eheyn.
Haa. Wax walba oo uu mulkiilaha guriga bixiyo waa inuu hagaajiyaa haddii loo baahado. Tani waa waajibka mulkiilaha hagaajinta qaboojiyayaashana waxey hoos imaataa waajibaadkaan.
Waxaa jira waxyaaba qaar oo laga reebay: 1) haddii adiga iyo mulkiilaha gurigaada aad ku heshiiseen in hawa qaboojiyaha (air-conditioner) uusan shaqeyneynin islamarkaana uusan qeyb ka eheyn guriga lagaa kireeyay; ama 2) haddii hawa qaboojiyaha (air-conditioner) uu u halaabay daryeel la’aantaada awadeed, islamarkaana mulkiilaha uu ku siiyay ogeysiis aad ku sameysatid. [Section 68 Residential Tenancies Act (1997)]
Maya. Ma aha adiga inaad hagaajisid hawa qaboojiyaha (air-conditioner) haddii uu mulkiilaha gurigaada uusan ku siinin ogolaansho uunasan ogolaanin inuu bixiyo lacagah oo dhan.
Akhri Hagaajinta hawa qaboojiyaha (air-conditioner) ma mid deg degaa? ka dibna raaca talaabooyinka hagaajin deg dega ama hagaajinta aan deg degga eheyn.
Si aad u codsatid hagaajin aan deg deg eheyn, waa inaad buuxisaa Ogeysiis Mulkiilaha lo diraaya oo laga soo dejisada (bogga CAV).
Haddii guri ey dowladdu leedahay aad ku jirtid, mulkiilahaadu waa Agaasimaha Guriyeynta. Si aad hagaajin u codsatid, waxaad sameyn kartaa: inaad raacdid talaabooyinka kor ku xusan ood u gudbisid codsigaada xafiiska kuugu dhow ee guriyeynta, ama waxaad buuxin kartaa foomka bogga intarneetka laga helo ee hagaajinta aan deg degga eheyn. Si aad u ogaatid Xafiiska Guriyeynta meesha uu ku yaalo ama foomka intarneetka booqo bogga Waaxda Adeegyada Baniaadamka.
haddii hagaajinta 14 maalmood gudahood lagu dhameystirin, ama haddii ey kula noqoto in hagaajinta aadan ku qancin, waxaad codsan kartaa baaritaan in lagu sameeya wixii la hagaajiyay oo ey sameeyaan “Consumer Affairs Victoria” (CAV).
Si aad baaritaan u codsatid:
Ka dib marka ey helaan foomkaada, baara ayaa kaala soo xiriiraaya arimaha baaritaanka. Baaritaanka ka dib, haddii ey arkaan in mulkiilaha uusan dhameytrin hagaajinta qabyada, waxey la gorgortami karaan mulkiilaha si uu u dhameystiro howshaan. Waxey sidoo kale ku siinayaan warbixin qoraal ah. [Section 74 Residential Tenancies Act (1997)]
Haddii aad warbixinta Baaritaanka ka heshay Gudiga (Consumer Affairs Victoria) laakiin mulkiilaha guriga uusan uusan weli dhameystirin dayac tirka, waxaad codsi u dirsan kartaa Gudiga Victorian ee Dacwadaha Shacbaiga iyo Maamulka ee (Victorian Civil and Administrative Tribunal (VCAT) si dacwaddaada loo dhageysto 60 maalmood gudahood.
Haddii aadan helin warbixinta baaritaanka 90 maalmood gudahood codsigaada aad u dirtay CAV, waxaad codsi u diri kartaa VCAT iyadoo uusan laheyn warbixinta baaritaanka.
Si aad u codsatid dhageysi:
Haddii gudiga uu ku qanco in mulkiilaha uu ku xadgudbay xilkiisa ah inuu dayactiro guriga waxey mulkiilaha mar ku siini kartaa inuu sameeyo dayac tir gaar ah oo mudo loo qabanaayo. [Section 76 Residential Tenancies Act (1997)]
Dib ayaad u soo cusbooneysiin kartaa codsigaada aad u soo qoreysid VCAT, adoo bixinaaya nambarkaaga codsiga islamarkaana sharxaaya inaad u baahan tahay dhegeysi dheeri ahmaadaama dayac tirka aan la dameystirin. Waxaad codsan kartaa in kiradaada lagu bixiyo akoon gaar ah oo kirada ah ilaa inta dayac tirka laga sameynaayo. [Section 77 Residential Tenancies Act (1997)]
Gudiga wuxuu sidoo kale amar ku bixin karaa magdhaw oo lagu qiimeeyay maalinla mudada uu mulkiilaha ku xadgudbay xilkiisa dayac tirka. [Section 209 Residential Tenancies Act (1997)]
Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.