Help for community services Information and advice for workers assisting tenants in the community.
Kharashaadka la xiriira maxkamada VCAT waxaa loo qaybiyey “kharashaadka” iyo “lacagta ujrada”.
Lacagaha/fees waa caddadka lacagta aad siiso VCAT. Tusaale waa lacagta codsiga dacwada. Lacagaha kale waxaa ka mid ah lacagta ogolaanshaha lahaanshaha ama lacagta lagu bixiyo maxkamad ugu yeerida.
Kharashaadku/cost waa wixii ah caddadkii lacag ah ee kale ee lagaa rabo inaad bixiso inaad dacwada gasho oo aad kiiskaaga jeediso. Tusaale waxaa ka mid ah kharashka safarka iyo kharashaadka diyaarinta caddeynta.
Haddii aad codsato VCAT si laguugu soo celiyo lacagta debaajigaaga, ma jirto wax lacag ah.
Haddii aad u dalbato VCAT sababo kale, waxaad u baahan doontaa inaad bixiso lacagaha codsigaaga. Lacagta codsigaaga ee dacwada waxay ku saabsan tahay Kireysiga Degaanka oo dhan $63.70 laga bilaabo 1 Luulyo 2018, laakiinse waxaa laga yaabaa inuu isbedelo, lacagihii ugudanbeeyey, ka eeg website ka
oo waa inaad hubisaa lacagta kireysiga degaanka.
Haddii aadan awoodin lacagta sababtoo ah dakhligaaga ayaa hooseeya, waxaad buuxin kartaa foomka Lacag ka Dhaafida si aad u codsato in aadan bixin lacagta. Foomamka waxaa laga helayaa website ka VCAT.
Haddii aad ka codsatay VCAT oo aad si aad ah u guuleysatid, waxaa laga soo qaadayaa in mulkiiluhu uu ku siin doono caddadka lacagta aad u bixisay lacagta VCAT. Ma jirto qeexitaan loo yaqaan ‘muhiim ah’, laakiinse haddii VCAT ay sameyso xukun taageeraya badiba wixii aad weydiisatay (ama magdhowga badidiisa aad weydiisatay) tani badanaa micnaheedu waxaa weeye si muhiim ah ayaad u guuleysatay.
Haddii mulkiiluhu uu dalbaday VCAT oo si caddeyn leh oo guul leh aad ugu guuleysatay, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad siiso caddadka lacagta ee ay u siiyeen lacag ahaan VCAT.
Xubinta VCAT waxay la tahay in qofka guuleystay inuusan si macquul ah u dhaqmin ama haddii ay u maleynayaan kuma haboona sababtoo ah arimaha lagu muransan yahay, waxay amri karaan, inaan lacagta loo baahneyn in dib loo bixiyo.
Xaaladaha badidooda qof kastaa wuxuu bixiyaa kharashaadkiisa imaanshaha dacwada VCAT. Umana eka in kharashaadkaada dib laguugu celinayo.
Kiisaska qaarkood VCAT waxaa laga yaabaa inay amarto in hal dhinac uu bixiyo kharashaadka dhinaca kale. VCAT waxay ku abaamarineysaa kharashaadka oo kaliya markay rumeysan yihiin inay caddaalad tahay, badanaa haddii hal dhinac oo kaliya uu keenay dib u dhaca aan macquulka ahayn ama faa’iida darrada dhinaca kale ama haddii aysan jirin sabab wanaagsan oo dacwada loo sameeyey [VCAT qaybta Sharciga 109]
Kharashaadka sida guusha leh loo dalbaday wakhti hore waxaa ka mid ah:
Haddii adiga iyo mulkiilahaaga aad isku raacdaan caddadka kharashka ee la bixinayo, waa inaad weydiisaan VCAT inay amar sameyso si heshiiska qoraal ahaan toos looga dhigo.
Haddii aad rumeysan tahay inaad xaq u leedahay kharashaadka, waa inaad:
Haddii mulkiiluhu uu weydiisku kharashaad VCAT inay amarto inaad kharashaadkooda bixiso, waad ka murmi kartaa inaysan xaq u lahayn in kharashkooda la bixiyo adoo sharxaya:
Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.
Laga soo bilaabo: Ogosto 2016
Fees and costs for a VCAT hearing | Somali | August 2016