Waa maxay fursada guriga ee igu haboon? - Tenants Victoria

Waa maxay fursada guriga ee igu haboon?

Fursada guriga ee ugu haboon baahidaada waxay ku xirnaan doontaa tiro qodobo ah oo kuwa ugu badani yihiin wax la taaban karo (sida kharashka). Si kastaba ha ahaatee ka hor intaadan wax saxiixin, waxaa qiimo leh inaad qaadato wakhti aad uga fekerto xaallada sharci ee nooc kasta oo hoy ah, maadaama tani kaa caawin doonto inaad sameyso doorashadaadii ugu danbeysay.

Waxa la taaban karo & tixgelinta shakhsiyeed

Fursada ugu fiican waxay ugu badnaan ku xirnaan doontaa helitaanka nooca hoyga aad doorbideyso iyo baahidaada khaaska ah. Tusaale, waxaa laga yaabaa inaad dooneysid hoy dhammaantii wax kasta laguu qabanayo oo u dhow kambaska, taas oo hoygaaga ka dhigeysa mid kambaska ku yaal, hoyga ardeyda ama homestay. Si kastaba ha ahaatee haddii aad wax ka baraneysid meel ay fursadahani xiddidan yihiin waxaa laga yaabaa inaad tixgelisid hoyga qolqolka loo wadaago ama guri la wadaago.

Tixgelinada dhab ahaantii caamka ah waxaa ka mid ah:

  • la haanshaha gaadiidka dadweynaha
  • kharashka (tusaale debaajiga, kirada iyo wixii adeega ah ee lacag laga bixiyo)
  • jajabnaanta iyo nabadgelyada xilliga ijaarka
  • madax bannaanida iyo arimaha gaarka ah
  • inuu hoygu goglan yahay (tusaale, sariir, miis, armaajo)
  • lahaanshaha adeegyada cuntada (tusaale cunto la soo kariyey, dhar dhaqitaan)
  • fogaanta uu u jiro kambaska
  • fogaanta uu u jiro dukaamada iyo adeegyada (tusaale, dakhtarka)
  • tasiilaadka waxbarashada
  • lahaanshaha taleefanka iyo interneetka
  • tasiilaadka cayaaraha iyo/ama madadaalada

Tixgelinada sharciga

Xuquuqdaada iyo masuuliyadaada sharci way kala duwan tahay iyadoo ku xiran inaad ku nooshahay hoyga homestay, kambaska ama guryaha qolqolka loo kireeyo ama guri aad la kireysatay kuwo kale ama adiga kaligaa. Xitaa haddii fursadahaaga hoygu ay xadidan yihiin helitaan ahaan ama tixgelinta dhabta ah, waa feker wanaagsan inaad ka warqabto xaallada sharci ee nooc kasta oo hoy ah ka hor intaadan saxiixin heshiis ama aadan lacag bixin.

Waxay daboosho RTA

Sharciga Kireysiga Degaanka (Residential Tenancies Act (RTA) 1997) wuxuu ilaaliyaa xuquuqda mulkiilaha iyo kireystayaasha Fiktooriya. RTA waxay dabooshaa arimaha kireysiga sida:

  • dayactirka
  • kordhinta kirada
  • guri ka saarida
  • magdhowga


Nasiib daro si kastaba ha ahaatee, RTA ma daboosho nooc kasta oo hoy ah. Haddii gurigaaga aysan daboolin waxaad yeelanaysaa ilaalin aad u yar kireyste ahaan.

Yaaney daboolin arimahooda?

Hoyga jaamacadu maamusho ma daboosho RTA xaalladaha badidoodana homestay isna kuma jiro. Si kastaba ha ahaatee haddii homestay bixiyaha (ama ‘martigeliye’) kireynaya hal qol ama wax ka badan afar qof ama dad ka badan, gurigu waxaa laga yaabaa in lagama mid dhigo ‘guriga qolqolka loo kireyo’ ee hoos yimaada RTA, oo micnaheedu yahay inaad yeelan doonto ilaalin sharciyeed.

Yuu daboolaa arimooga?

Sharcigu inuu ku daboolo waxay ku xiran tahay xaalladahaaga. Guud ahaan, haddii aad leedahay ‘lahaansho madax bannaan’ ee guriga oo aad kiro siiso mulkiilaha ama wakiilka guriga, waxaa laga yaabaa inay ku daboolayo RTA.

Sidoo kale, haddii aad leedahay ‘lahaansho madax bannaan’ ee qol guri ka mid ah oo aad la degan tahay 3 ama kuwo ka badan, waxaa laga yaabaa inuu sharcigu kugu daboolayo ah guryaha qol qolka ee RTA.

Ka warqab in qaar ka mid ah kuwa ka shaqeeya guryaha ardeydu ay si been ah ugu doodaan inay u shaqeeyaan sidii ‘hoy ardeyeed oo kale’ oo ay xiriir leeyihiin machadka waxbarasho. Sidaa daraadeed, waxay ku andacoodaan in hoyga uu daboolo RTA. Si kastaba ha ahaatee haddii ay hoos yimaadaan RTA, waa inay awoodaan inay ku siiyaan heshiis qoraal ah oo muujinaya inay xiriir la leeyihiin machad waxbarasho.

Ka waran kuwa meel wada kireysta?

RTA waxay qeexdaa xiriirka sharciga ee u dhaxeeya mulkiilaha iyo kireystaha, laakiinse ma daboosho xiriirka u dhaxeeya wada kireystayaasha. Tan micnaheedu waxaa weeye muranka u dhaxeeya kireystayaasha laguma xalin karo isla sida muranka u dhaxeeya kireystaha iyo mulkiilaha.

Nasiib darro Ururka Kireystayaasha (Tenants Union/Tenants Victoria) kama caawin karo muranka wada kireysyaasha sababtoo ah kireystayaasha dhinac lama jiri karno. Haddii aad ku lug leedahay muranka kireyste kale waxaad la xiriiri kartaa wixii tallo ah Xarunta Sharciga Bulshada (Community Legal Centre), ama waxaad sameyn kartaa kulan dhexdhexaadin ah oo uu sameeyo Xarunta Xallinta Muranka Fiktooriya (Dispute Settlement Centre of Victoria) (iyadoo loo baahan yahay in qof kasta oo ku lug leh muranku inuu ogolaado inuu yimaado).

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan guryaha la wadaago eeg warqada xaqiiqda ee Shared households iyo Keeping the ‘mates’ in housemates.

Ka waran haddii aanan hubin in sharcigu idaboolayo iyo in kale?

Haddii aadan hubin in noocaaga hoyga ay daboosho RTA, la xiriir Ururka Kireystayaasha ama adeegaaga guriyeynta ardeyda wixii tallo ah.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorashada hoyga, eeg warqadaheena xaqiiqda ee ardeyda What are my housing options?

Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.

Boggaga la xiriira

Guryaha lawada degan yahay
Ku heynta ‘saaxiibada’ guryaha dadka wadadegan
Waa maxay fursadaheyga gurigu?

Ma u baahan tahay caawimaad dheeraad ah?

Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ama caawimaad, fadlan nala soo xiriir.


Which housing option is right for me? | Somali | May 2010

u baahan caawinaad badan

Talada loogu talagalay kireystayaasha (advice for tenants)
nagala soo xiriir (contact us)

Kireystayaal Victoria | Kireystayaal qadka caawinaada 03 9416 2577 | tuv.org.au
Kireystayaal Victoria aqoonsanyihiin taageeradda Dowladda Vitorian.

Tenants Victoria acknowledges the support of the Victorian Government.